Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Beled-weyne waa beylah, dadkeeda loogu dayacay iney daadadku Qaadaan”

Beledweyn waa Banaadirta labaad oo muuqa uga eg degenaanshaha iyo saxansaxada neecaawda qabow oo ay la wadaagta xiisaha loo qabo Xamar, waxeyna ahayd hoygii laga soo aasaasay dowladnimada Soomaaliyeed.

Dowladnimadii halgankeedu ka soo curtay Beledweyne, dadkeedu kama helin xuquuqdii ay ka mudnaayeen haykalka qaranimada Soomaaliyeed oo ahayd in la hormariyo nolosha dadka.

Dowladnimadu waa horumarinta nolosha dadka, diintu waa horumarinta nolosha dadka, dimoqaraadiyadu waa horumarinta nolosha dadka, dalka waa dhul iyo biyo dhaxal looga dhigay barwaaqeynta nololsha dadka.

Xuquuqdii laga filayey in laga helo dowladdii Soomaaliyeed oo ka soo curatay gobonimadii loo soo halgamey oo kaaheedu ka soo iftiimay Beledweyne, dadkeedu waxay taas bedelkeeda ka dhaxleen in lagu deyriyey daadad noloshoodii aafeeyey.

Dowladda Itoobiya ayaa webiga Shaballe meelo badan gudaheeda uga sameysatay biyo xireen ay uga danleedahay sidii biyaha looga cunoqabateeyn lahaa dadweynaha ku nool beledweyne, gaar ahaan  wakhtiga jiilaalka ah, islamarkaasna lagu soo fatahi lahaa biyo-xireenada wakhtiga guga ah oo webigu biyaha keeno.

Dowladda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in tacadiyadaas salka ku haya siyaasadaha derisnimoxumida ku dhisan ee heysta dadweynaha ku nool Beledweyne oo la xiriirta fatahaada biyaha webiga Shabeelle iney wadahadal kala sameyso dowladda Itobiya.

Waxaa sidoo kale aan dowladda Soomaaliya looga maarmeyn iney qaadato doorkeeda dowladnimo oo ah iney Beledweyne webiga jiinkiisa ka hirgeliso mashruucyo lagu balaarinayo oo lagu dhisayo si looga hortego fatahaada biyaha webiga.

Waxaa si deg deg ah loogu baahan yahay in Beledweyne dhulkiisa baadiyaha ah laga hirgeliyo haro waaweyn oo loogu talagelayo iney noqdaan dhul qoyan oo loogu leexiyo biyaha uu webigu soo fatahayo.

Qaasaraha uu geysto sanad walba oo webigu uu Beledweyne ku soo fataho waa mid waxyeelo badan u geysata dadka dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan, barakac ahaan, ganacsi ahaan, tacab ahaan, shaqaale ahaan, maamul ahaan, iyo isku socod ahaan.

Fatahaada Beledweyne waa masiibo qaran oo sanad walba dib u soo noqota oo xal u helideeda aysan ahayn mid looga kaaftoomayo yaboohsi kaalmo shisheeye oo dadka tabaleysan loogu soo tuugsado raashin saboolnimo loogu soo deeqo.

Shacabka ku nool Beledweyne waxey dowladda Soomaaliyeed xaq ugu leeyihiin iney deegaankooda ka hirgeliso mashruucyo lagu hormarinayo nolosha dadka, loogana difaacayo aafooyinka uga imaanaya cadowtooyada shisheeyaha deriska la ah.

Maganta dadweynaha ku nool Beledweyne ay u yihiin dowladnimada Soomaaliyeed waa ineysan noqon mid ay Beledweyne ka dhaxasho saboolnimo, horumar la’aan, yaboohsi ku noolaan, iyo beylah siyaasadeed oo loogu gumeeyo iney miciin bidaan cadowga deriska la ah.


W/Q: Prof. Saciid Ciise Max’uud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, USA

Related posts

Askari maanta dil ka geetay magaalada Muqdisho oo isna la dilay

Cabdi Cade

Rag Shabaabnimo lagu eedeeyay iyo Qaraxyo la qabtay oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dhakhaatiirta daweynaya Madaxweyne Trump oo War cusub soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---