Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay Mashruuca laga hirgelinayo xadka 3 geesoodka ah ee Somalia, Kenya & Itoobiya?

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa ka qeybgalay furitaanka mashruuca dhul xuduudeedka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, kaas oo ka dhacay dalka Kenya

“Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday gaaridda nabad iyo xasillooni ka hirgasha deegaannada xuduudda oo ay wadaagaan saddexdan waddan” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha XFS.

Mudane Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa sheegay in mashruucan uu wanaajin doonaa nolosha dadka ku nool deegaannada xuduudda, uuna yareyn doono colaadda, korna u qaadayo fursadaha dhaqaale.

Daahfurka barnaamijkan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Kenya, barasaabka Mandheera, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, wasiirka nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada :Silaca iyo Saxariirta ay ku nool yihiin Haween Soomaaliyeed oo kunool dalka…

Cabdi Cade

Xildhibaan si yaab leh uga hadlay khilaafka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Caydiid Ali

Ciyaal weero dil u geysatay wiil dhalinyaro ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---