Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse iyo Dabageed oo ka wada hadlay xaaladaha ka soo kordhay Hiiraan (Sawirro)

Raisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Kulankan ayaa looga hadlay fatahaada baahsan ee uu wabiga shabeelle ka geystay Magaalada Beledweyne iyo saameynta barakaca ah ee uu ku yeeshay bulshada Magaalada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda ayaa tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto Beledweyne loona baahan yahay in si deg deg ah loogu gurmado dadkaas.

Raisul Wasaaraha ayaa balan qaaday inay si deg-deg ugu jawaabi doonto Xukuumaddiisa xaaladda adag ee ka taagan Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Ku Xigeenka Waxaa kulankaan ku wehliyay Xubno isugu jiray labada gole ee Dowladda ee Deegaan Doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Jubbaland iyo xaalka oo sidii hore ka badalan

admin

(Sawirro) RW Khayre: Waxaan u imid inaan idin kala shaqeeyo dhismaha Gulmudug Mideysan”

Caydiid Ali

Madaxa barnaamijka CIP ee World Bank iyo Wafti uu hogaaminayay oo Gaaray Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---