Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ka falceliyey go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey Qaraarka ay maanta ku ansixiyeen Golaha Wasiirradu shirkooda todobaadlaha.

Qaraarkan ayaa ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka Maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha, si looga hortago musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.

“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan. Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed”ayuu yiri Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadka laga helayo COVID-19 ee gobolka Banaadir oo hoos u dhacday

Caydiid Ali

Dowladda oo ku guuleesatay in xabsiyada Hindiya laga soo daayo Soomaali ku xirneed(Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo lagu eedeeyey iney dayacday ardayda ku go’doonsan Magaalada Wuhan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---