Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan dhexmaray Wasiiru dowlaha A/Dibadda DF & dhigiisa Dr. Mohamed Al-Khulaifi

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo ah Khamiis, kula kulmay Magaalada Doxa, dhiggiisa Qatar, Mudane Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi.

Waxaa uu  kala hadlay xiriirka wanaagsan ee labo geesoodka ah iyo xoojinta dhinacyada iskaashiga ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Mudane Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi ayaa sidoo kale kulankooda ku faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda u lahaa labada dhinac.

“Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku naaloonaya xiriir fog oo taariikh soo jireen ah leh , kuna sifaysan aragti istiraatiijiyadeed oo sal-adag” ayuu yiri Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa dowlada Qatar uga mahad celiyey mashaariicda ay ka fulisay Somalia iyo kuwa ay hadda gacanta ku heysto, isagoo xusay iney abaal uga hayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin katirsanaa Al Shabaab oo weerar khasaaro badan dhaliyay ka fuliyay Xero ciidanka Kenya leeyihiin

Cabdi Cade

Dekeda Muqdisho oo dib u howlgashay & ganacsatada G/Banaadir oo kala qeybsamay

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Danab oo saldhig cusub ka sameystay Jowhar, kana hadlay sababta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---