Deegaan hoostaga degmada Danood ee gobolka Doolo ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay fal dad badan aad uga argagaxeen, kaddib markii nin dadka deegaanka kamid ahaa uu xubinta taranka ka jaray wiil yar oo saddex sanno jir ah.
Ciidamada booliiska degmada Danood ayaa xabsiga dhigay ninkan wiilka yar ka jaray xubinta taranka, sidoo kale dhaawacyo culus oo toorey ah gaarsiiyay, waxa ayna booliiska oo qariyay magaca ninkan ku wadaan baaritaano dheeraad ah.
Ehelada wiilka yar ayaa warbaahinta u sheegay in ninka falka geestay oo toorey watay weeraray wiilka yar xilli uu la joogay hooyadiis iyo eedadiis, ninka oo cunuga xoog ku watay ayaa ka jaray xubinta taranka sidoo kale caloosha ka galiyay toorey.
Wiilka yar oo dhaawacyo culus qaba ayaa loola cararay isbitaal kuyaalla magaalada Jigjiga halkaas oo lagu daweenayo, waxaana xaalada wiilkan yar la sheegay in ay tahay mid adag ayna la tacaalayaan dhaqaatiirta.
Ninka falkan argagaxa leh u geestay wiilka yar ayaa booliiska kahor qirtay in dambiga geestay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ninkan tilmaamay in wiilkaasi u weeraray aargoosi, maadaama aabihii horey uga haraantiyay xubintiisa taranka ayna waxyeelo xun kasoo gaartay falkaasi uu horey kula kacay wiilka yar aabihiis.
Dhacdada uu ninkan ku kacay ayaa noqotay mid si weyn looga argagaxay, waxaana dadka deegaanka aad uga carroodeen falka uu ninkan u geestay wiilka saqiirka ah uuna u dhaafiyay mustaqbalkiisa halisna u galiyay noloshiisa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com