Allbanaadir.com
NEWS

Barakac xooggan oo wali ka socda qeybo kamid ah magaalada Baledweyn (Sawirro)

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda barakac ay sameenayaan qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi, kuwaa oo ka cararaya fatahaada uu sameeyay wabiga Shabelle.

Xaafado badan oo kamid ah magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku fatahay biyaha wabiga oo buux dhaafay, waxa ayna keentay in guryo badan oo kuyaalla magaaladaasi biyo badan galaan ,sidoo kale ay go’aan waddooyinka.

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa garab siinaya dadka ka barakacaya fathaada wabiga, waxa ayna ciidamada gaadiidkooda waa weyn ku daad gureenayaan dadka qaar ee wali go’doonka ku ah magaalada.

Dadka magaalada Baledweyne ka barakacaya ayaa u baxay duleedka magaalada iyo dhulka taaga ah , si ay dadkaasi uga nabbad galaan biyaha wabiga ee magaalada ku fatahay, kaa keenay in gabi ahaan guryahooda isaga baxaan.

Madaxweynaha Hirshabell;e Cali Guudlaawe oo ku sugan magaalada Baledweyne ayaa indhihiisa ku arkay saameynta magaalada ku yeeshay wabiga fatahay, waxa uuna ku baaqy in si deg deg ah loo gacan siiyo dadka fatahaada wabiga saameynta ku yeeshay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Maamule ka ahaa Iskuul oo caawa lagu qaarajiyey Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Duq Magaalo ka tirsan Yurub oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xariga ka jaray Dhismaha Isbitaal cusub (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---