Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay rag afduub geestay (Daawo Sawirro)

Ciidamada booliiska ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen labo nin oo la sheegay in ay ilmo yar kasoo afduubteen xaafad katirsan Degmada Hodan iyo rag kale oo burcad ah oo dadka dhac u geesan jiray.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidamada booliiska gacanta kusoo dhigeen labo nin oo caruur ka afduubatay degmada Hodan, sidoo kale Waabari ku qabteen burcad xiliyada habeenkii dadka dhici jirtay.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in raga afduubka geestay hada ku xiran yihiin xarunta Dambi baarista CID-da, waxa uuna magacyada ragaasi afduubka loo soo qabtay ku sheegay  Xasan Yaasiin Cabdi iyo Mahdi Tahliil Maxamuud.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa cadeeyay marka baarista ragan lagu hayo ay soo dhamaato in loo gudbin doono Maxkamad si loogu qaado ciqaabta dambiga ee geesteen oo isugu jira afduubka iyo burcadnimada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad ugu yaraa afduubka caruurta iyo dad kalaba loo geesto, hasa ahaatee arintan ayaa noqotay mid dad badan oo Muqdisho ku dhaqan walaac ku beertay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiriirka kubadda Cagta gobolka Banaadir oo go’aan ka qaatay Tartanka ka socda Muqdisho

Cabdi Cade

AMISOM oo Madaafiic ku garaacday degaan ay gacanta ku hayaan ciidamada DF

Caydiid Ali

Saldhigyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo weeraro culus lagu qaaday & khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---