Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar ku qaaday degmada Xarardheere iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo saldhigyo ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Madaafiicda Al Shabaab ku garaaceen degmada Xarardheere ayaa la sheegay in ay ku dhaceen goobo kala duwan, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaro madaafiicda kasoo gaaray dadka shacabka ah iyo ciidanka dowladda ee jooga degmadaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Xarardheere, Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay in tiro madaafiic ah Al Shabaab kusoo tuureen degmada Xarardheere, waxa uuna sheegay in madaafiicdaasi ku dhaceen dhul bannaan wax khasaaro ahna aysan geesan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada dowladda wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxdii weerarka soo qaaday uu tilmaamay in ay baxsadeen, waxa uuna sheegay in kooxdaasi kaliya ujeedkoodu ahaa carqaladeyn.

Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo laga saaray gacanta Al Shabaab ayaa waxaa ku sugan oo farriisimo ku leh ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug, waxaana degmadasai dib ugu laabtay qaar kamid ah dadkii horey uga barakacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil booliis oo Tababar loogu qaadayo Yurub iyo Asia oo Sagootin loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxda ugu sareysa Dowlada oo goordhaw hal diyaarad ka raacay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaaradaha uu Raadsanayo Madaxweyne Erdogan oo Madax xanuun ku riday Joe Biden

Cabdi Cade
Taboola Ads ---