Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ku hanjabay in tallaabo adag ka qaadi doono Muhaajiriinta ku sugan Xuduuda

Dowladda Mareykanka ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku kaka eriso muhaajiriin aad u badan oo ku sugan xadka ay wadaagaan Maxcio ,kuwaa oo doonaya in xadka ka taalaabaan oo galaan Mareykanka.

Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa ku hanjabay in ay kala eryi doonaan una adeegsan doonaan ciidamo kumanaan muhaajiriin ah oo ku sugan xaduuda ay wadaagaan Maxcio.

Alejandro Mayorkas ayaa sheegay in ay ka dhabeyn doonaan hanjabaadooda ayna dib u celin doonaan kumanaanka muhaajiriinta ee xuduuda ku sugan, maalin kahor dhammaadka siyaasadda socdaalka ee mamnuucaysay in Maraykanka la soo galo.

Waxa uu sheegay xoghayaha Amniga Mareykanka in muhaajiriinta isku daya in ay si sharci darro ah ku soo galaan Maraykanka, in la eryi doono, isla markaana laga mamnuuci doono inay Maraykanka cag soo dhigaan muddo shan sannadood ah.

Xuduuda Mareykanka iyo Maxcio u dhaxeysa ayaa la rumeesan yahay in xilloigan ku sugan yihiin in ka badan 150,000 kun qof oo muhaajiriin , kuwaa oo doonaya in si sharci darro ah ku galaan dalka Mareykanka si ay uga helaan nolol wannaagsan iyo shaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Madaxeedkii AU oo ka furmay Addis ababa & Farmaajo oo ka qeyb galaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Somalia oo ku geeriyooday Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo baaq ka dhan ah Al Shabaab u diray Shacabka Soomaaliyeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---