Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Generaal Cabdalla Cabdalla oo laga saaray Xubinimadii Hay’adda NISA

Qoraal lagu baahiyay bog Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ku leeyahay Twitterka ayaa lagu shaaciyay in Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’ada NISA Generaal Cabdalla Cabdalla Maxamed laga saaray xubanimadii Hay’adda NISA.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in Taliye kuxigeenkii hore ee NISA uu dhawaan bixiyay Wareysi ka hor imaanaya Danaha Qaranka kuna eedeeyay hanaanka shaqo ee Hay’adda iyo Madaxda maamusha.

”Kadib waraysi uu bixiyay Gen. Abdalla Abdalla kuna sheegay eedeymo, waxaa loo saaray guddi baara qaladaadka xasaasiga ah ee ka horimaanaya hanaanka shaqo & danaha qaran, wuxuu gudigu gartay, inuusan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.” Ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay NISA.

Taliye kuxigeenkii hore ee Nabad Sugida oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa Wareysi uu bixiyay ku eedeeyay Hogaanka Hay’adda iyo sidoo kale in Hay’adda ka weecatay shaqooyinkii loogu tala galay ayna noqotay mid lagu dhibaateeyo siyaasiyiinta .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Axmed Karaash oo soo saaray baaq ku socda Shacabka iyo Culimada Puntland

Caydiid Ali

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhuusamareeb oo la soo gebagebeeyey

Caydiid Ali

Askari diiday in uu qaato lacag laaluush ah oo la abaal mariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---