Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in la musuqay biyo xireeno loogu talo galay in looga hortago fatahaada B/weyne?

Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cumar Cismaan Calasoow ayaa ka hadlay sababaha webiga Shabeelle ugu fatahay qeybo ka mid ah afarta xaafadood ee ay magaaladu ka kooban tahay xili horey loogu diyaariyey biyahaas iney galaan biyo xireeno looga sameeyey hareeraha magaalada oo dhaqaale badan uu ku baxay.

Mudane Calasow oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in magaalada loo sameeyay dhowr biyo xireen balse uu webigu dhaafay xaddigii laga filayay fatahaadda, isla markaana jabsaday goobo badan oo horey looga moosay biyaha.

Waxaa uu beeniyey warara sheegaya in biyo xireenadaas aan loo qodin sidii loo qorsheeyey ka dib markii la musuqay dhaqaalihii loogu talo galay, maadama aysan waxba soo kordhin wuxuuna xusay in maamulkiisa iyo dowlada Hirshabelle dedaaleen intii karaankood

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan biyuhu geysan qasaara weyn balse ay jiraan xaafado iyo suuqyo ay galeen biyuhu, iyagoo ka sare maray Buundada Liiq-liiqato wax gaadiid ahna uusan isticmaalayn, maadaama laga cabsi qabi in ay waxyeelo soo gaarto.

Wuxuu sheegay guddoomuhu in ay magaalada ka barakaceen boqolaal qoys haatanna ay wadaan ka maamul ahaan dedaallo la xiriira sidii loola tacaali lahaa fatahaadda webiga iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka.

Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in ay fatahaadda Webiga iyo saamayntiisa ka wada hadleen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyagoo isla gartay dadka ku go’doonsan gudaha iyo duleedka magaalada in loo gurmado.

Magaalada Baladweyne ayaa sanad walba xiligan oo kale wajahda fatahaad ka dhalatay webiga Shabelle ee dhexmara magaalada kaasoo sababay iney magaalada ka baxaan kumanaan qoys oo gabaad ka raadsada dhulka taaga ah ee magaalada ku wareegsan, halkaasoo dhibaatooyin kala duwan oo nololeed ay ku qabsadaan sida hoy la’aan iyo nolosha oo ciriiri noqota.

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo tagay Degmada Aadan Yabaal iyo Deegaano kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Mo Farax oo kaalin aan laga fileyn ka galay tartan lagu qabtay dalka Gabon (Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil Imaaraatka u dhashay oo boorsooyinkooda ka qaatay deegaanada Puntland

Cabdi Cade