Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Karaash: “Shacabka reer SSC awalba garab istaag kamay filayn Xamse”

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in marna aysan dadka reer SSC ee dagaalka kula jira Somaliland garab istaag ka filayn ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Qoraal kooban oo uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Xamse uu halganka SSC warbaahinta u soo mariyay hadallo aysan ku farxin

Karaash ayaa sidoo kale tilmaamay in hadalkan uu warbaahinta mariyay ra’iisul wasaare Xamse aanu waxba ka beddeli doonin mowqifka SSC iyo halgankooda.

“Xamse awalba garab istaag kamay filayn Shacabka reer SSC ee loo Xasuuqayo Midnimada Ummada Soomaaliyeed, inuu hadalo noocaas ah oo ka fiirsasho la’aan ah Warbaahinta usoo mariyo waxba kama bedeli doonto mawqifkooda iyo halganka ay ku jiraan toona. Isagana waxay dani ugu jirtaa inuu iskaga aamusnaado sidii looga bartay” ayuu yiri Axmed Karaash.

Puntland ayaa horey marar badan ugu eedeysay madaxda DF iney hiiladii laga filaayey u muujinin shacabka iyo xoogaga SSC ee magaalada Laascaanood kula dagaalamaya mudada 2 bilood ka badan ciidamada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo xilka ka qaaday labo kamid ah gudoomiye kuxigeenada G/Banaadir kuwa cusubna magacaabay

Cabdi Cade

Xamse oo qaadaya talaabo culus ka dib dagaalka Luuq

Caydiid Ali

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo digniin adag siiyey Maamulka Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---