Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxda maamul goboleedyada oo Shir Xasaasi ah ku yeelanaya Kismaayo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaaraan qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira , waxaana magaaladaasi ka furmaya shir ay leeyihiin madaxdaasi.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana maamulka Jubbaland diyaariyay masuuliyiin iyo dadweyne badan oo Kismaayo kusoo dhaweenaya Madaxda Maamul goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ku yeeshaan kulan ay uga hadlayaan khilaaf la sheegay in uu u dhaxeeyo dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Hogaamiyaasha Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa qaarkood waxa ay isku diyaarinayaan doorasho halka kuwa kalana uu ka dhax jiro khilaaf iyo kuwa iyana laga diyaarinayo mooshin xilka looga tuuro.

Maamulada ayaa si weyn u tuhmaya dowlada Federaalka Soomaaliya in ay ku heyso faragalin xoogan, waxaana la filayaa in kulanka Kismaayo laga soo saaro War Murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay kawada hadlayaan Madaxda maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalo culus oo saaka ka qarxay duleedka Magaalada Belad-weyne ee G/hiiraan

Caydiid Ali

Ciidamo Soomaali ah oo xasuuq ka geystay gobolka Tigray iyo cadeymo la helay

Caydiid Ali

Cabdiweli Gaas oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---