Allbanaadir.com
NEWS

Nin bilaabay in uu lugeeyo 7,000 oo km si uu u gaaro magaalada Makka (Sawirro)

Fogaan dhan 6.600-kilometer ayuu uga soo safray si uu u yimaado magaalada Makka, Enver Beganovic wuxuu hadda joogaa oo uu soo gaaray magaalada  Kirkuk oo kamid ah magaalooyinka dalka Ciraaq.

Wuxuu waddan walba oo uu marayay ku qaadanayay calankiisa. 52 jirkan ayaa kumaankun meyl soo jaray wuxuu soo maray 10 dal, sida ay kusoo warrantay wakaaladda wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu Agency.

Ninkan doonaya in uu soo xajiyo ayaa dalalka uu ilaa hadda socodka kusoo maray waxaa kamid ah Slovakia, Croatia, Bosnia iyo Herzegovina, Serbia, Kosovo, Macedonia, Greece iyo dalka Turkey.

Enver Beganovic waxa uu kasoo tagay dalka Austria oo uu dhalashadiisa heysto, waxa uuna ugu dambeyn doonayaa safarkiisa socodka ah ku gaaro Boqortooyada Sacuudiga ,sii uga mid noqdo malaayiinta sannadkan xajineysa.

“Lama kulmin wax dhib ah waxaana helayay dad kaalmo ii sameeya marwalba oo aan u baahdo,” ayuu yiri Enver Beganovic .

Ninkan socodka dheer usoo galay in uu xajiyo ayaa sheegay in uu doonayo ajar iyo samaan badan inuu ka helo socodkiisa lugta ah oo uu ku tagayo magaaladda barakeesan ee Makka ee kutaalla Boqortooyada Sacuudiga.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay shirka Golaha Wadatashiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degaanka Budbud

Caydiid Ali

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---