Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Booliiska oo magaalada Muqdisho ku qabtay Eedeesane fakad ahaa

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Howlwadaag ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhaawac culus magaalada Muqdisho ugu soo geestay nin ay dagaalameen.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ciidamada qabteen eedeesane C/xamiid C/raxmaan Cabdullahi oo la sheegay in toorey dhoor meel ugu dhuftay si xuna ugu dhaawacay nin lagu magacaabo Cabdi Qaasim Cabdi.

”Ciidanka saldhigga booliiska degmada H/wadaag ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane C/xamiid C/raxmaan Cabdullahi ina Faadumo C/raxmaan 21jir degan Hodan, kaasoo ku eedeysan inuu dhaawac u geystay dhibane Cabdi Qaasim Cabdi ina ina Kafeeyo Faarax 18 jir ku dhashay Xamar degan Lafoole, kadib markii uu tooreey uga dhuftay dhowr meelood oo jirkiisa kamida” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeesanaha loo gudbiyay xabsi lana geyn doonaan maxkamad, waxa ayna tilmaameen in isna dhibanaha siiyeen warqadii dhaawac muujinta loona diray isbitaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska hor imaad Khasaaro geesay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Kulanka Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare ee baydhabo oo shaki la galiyay & Sanbalooshe oo laga xanaaqay !!

admin

Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda u ambabaxaya safar dibeda ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---