Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Feysal Cali Warabe: “Muuse Biixi wuxuu doonnayaa inuu burburiyo Somaliland”

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweyne Biixi ku dhalliilay khudbad sannadeedkii uu shalay ka jeediyey baarlamanka Somaliland.

Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu shalay jeediyey Khudbad aan laga filayn oo lagu burburinayo Somaliland.

“Lama filayn maanta inuu jeediyo khudbad la macno ah is dila, halka aynu doonayno inuu dalkeenu midoobo oo huwanta dalka soo weerartay gacmaha iska qabsano, oo khilaafka gudaheena aan xalino, oo uu horseed ka noqdo ilayn kursigii madaxweymaha ayuu fadhiyaaye ” ayuu yiri Waraabe.

Madaxweynaha ayuu sheegay inuu xisbiyada ku tilmaamay ururo, isla markaana  haddii xisbiga Kulmiye urur noqday aanay suuragal ahayn in madaxweyne uu matalo Urur.

Waxa uu sheegay in uu madaxweyne Biixi ka gubanayo wakhtigiisa dhamaaday, laakiin laga doonayo inuu wajaho xaqiiqada sheegaysa inuu wakhtigiisi dhamaaday, isagoo xusay inay sharci ahayd in ay xoog madaxtooyada kaga soo saaraan, laakiin ay nabada u tureen.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in cid kasta oo taageersan Madaxweyne Biixi ay ka qayb qaadanayso burburinta Somaliland, wuxuuna sheegay in loo bahanyahay in madaxweynaha xilka laga qaado.

 

Related posts

Mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee Muqdisho oo maanta lakala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Macron oo la hadlay Abiy Baaqna kasoo saaray Dagaalka Tigrey ka socda

Cabdi Cade

Taliyihii Ciidamada Haramcad iyo saraakiil kale oo ku dhaawacmay dagaalka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---