Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo shaacisay xiliga loo fariisanayo Imtixaanka dugsiyada Sare

Wasaaradda Waxbarashada Somalia ayaa caawa shaacisay xiliga uu bilaabanayo Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Qoraal ka soo baxay caawa wasaarada Waxbarashada ayaa lagu shaaciyey arrintan.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare wax ay shaacineysaa in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Wasaarada ayaa fariin u dirtay Waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed.

“Waxaa la farayaa Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulayaasha in ay u diyaar garoobaan Imtixaanka Maalmaha yar ee ka dhiman Guul baan u rajeyneynaa Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Aktarka Will Smith oo Masrax ku dharbaaxay Majaajiliistaha caanka ah ee Chris Rock (Sawirro)

Cabdi Cade

AIPAC oo lacag ku bixineysa sidii Ilhan Cumar meesha looga saari lahaa

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo kormeer kedis ah ku tagay xarunta…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---