Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Daawo Sawirada: Guddiga Wadaagga ah ee Somalia iyo Itoobiya oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay

Guddiga Wadaagga ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba.

War qoraal ah oo ka soobaxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida.

Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa’ido ugu jirto labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo ka carootay hadal uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada oo caawa howgalo qorsheysan ka wada degmo ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Soomaali lagu dilay Magaalada Böhl-Iggelheim & Booliska oo ka hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---