Puntland ayaa jawaab ka bixisay eedayntii uu xalay u jeediyey Ra’isul Wasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo ahayd inay Puntland fashilinayso dadaalada deynta Soomaaliya oo haatan heer gebogebo ah.
Wasiirka qorshaynta Puntland, Maxamed Siciid Faroole ayaa sheegay Puntland aysan jirin wax mashaariic ah oo kasoo gaaray deymihii malaayiinta ahaa ee magaca Soomaaliyeed lagu soo qaaday.
Wuxuu sheegay in deymahaas lagu fuliyay mashaariic aan soo dhaafin Muqdisho iyo Hargeysa, sidoo kalena qaar kale oo deyntaas ka mid ah ay masuq maasuqday DF.
“Dayn nalakuma leh annagu. Lacagta daynta ah ee Soomaaliya magaceeda ay dowladihii hore ku qaateen, waxay ahayd lacag mashaariic lagu fuliyay. Mashaariicdaas haddaanu nahay reer Puntland hal mashruuc nagama soo gaarin” ayuu yiri Siciid Faroole.
Wasiirka ayaa sheegay dowlada federaalka ay damacsan tahay qaadashada labo bilyan oo dayn ah oo la musuq maasuqo si buu yiri loogu burburiyo dalka.
“Puntland ma yeeli doonto in la qaato deyn aysan waxba ka ogayn, isla markaana aan lagala tashanin in laga cafiyo Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com