Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay saraakiisha ATMIS ee Belad-Weyne? (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka ATMIS qeybta Secter four.

Cali Guudlaawe ayaa Saraakiishaan kala hadlay xoojinta amniga Magaalada iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah al-shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ATMIS looga fadhiyo iney xoojiyaan howlgalada amaanka lagu sugayo, si shacabka gobolka Hiiraan u helaan xasilooni la isku haleyn karo.

Saraakiisha Ciidanka ATMIS qeybta Secter four ayaa la sheegay iney Cali Guudlaawe ka balan-qaadeen wax ka qabashada arrimaha amaanka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulankan ayaan lagu soo qaadin barakac ballaaran oo ka socda magaalada Balad-weyne ka dib markii uu fatahay webiga shabelle ee dhexmara Magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha dibeda DF iyo wakiilka QM? (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Khayre oo kormeeray dekeda Muqdisho & xarumo kale oo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Joe Biden Approves Plan to Redeploy Several Hundred Ground Forces Into Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---