Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madasha Iskaashiga Horumarinta Somalia & Beesha Caalamka oo la daahfuray

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta daah-furay Madasha Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaraadda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa looga hadlayaa hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in madashan ujeedkeedu yahay isku dubarridka iyo hagaajinta gargaarka horumarineed ee deeq-bixiyeyaashu siiyaan dalkeena iyo sidii loo yeelan lahaa madal ka shaqaysa iskaashi joogto ah si looga wada shaqeeyo horumarka guud ee dalka.

Waxaa uu intaa ku daray xukuumadda DanQaran ay hiigsanayso in ay dawladdu ku hawlan tahay sidii loo gaadhi lahaa heer isku filnaansho iyo isku tashi ah.

Madashan oo ay hor-kacayso Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah Bulshada Caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hantida Trump iyo Wiilashiisa ee New York oo la xayiray kaddib Dambiyo lagu helay

Cabdi Cade

Xiliga Madaxweyne cusub loo dooranayo Iran oo la shaaciyey & Musharaxinta ugu cad cad

Caydiid Ali

RW ku-xigeenka Somali Muxuu ku soo arkay Wasaarada Caafimaadka? (Sawirro)

Caydiid Ali