Allbanaadir.com
NEWS

Imran Khan oo xabsiga loo taxaabay xilli uu maxkamad ku sugnaa

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan ayaa loo taxaabay xabsi , kaddib markii ciidamo aad u hubeesan ku weereen xarun maxkamad uu ku sugnaa, ciidamada ayaana garba duub u xiray siyaasigan saameynta badan ku leh dalka Pakistan.

Imran Khan ayaa maanta hortagay maxkamad lagu qaadayay kiisas dacwado la xariira musuq maasuq iyo kuwa kale, waxaana xilli uu afaafka hore ee maxkamadda ku sugnaa Imran Khan awood u adeegsaday ciidamo aad u hubeesan oo xabsiga u taxaabay.

Ciidamada xiray Ra’isul Wasaaraha adalka Pakistan ayaa ahaa kuwa aad u hubeesan oo watay gaadiiska gaashaamaan, lamana yaqaan ilaa hadda goobta rasmiga ah ay ciidanka ku xireen Imarn Khan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan oo xilka laga tuuray bishii April ee sannadkii hore ayaa tan iyo xilligaasi waday abaabulka dibad baxyo ka dhan ah dowladda, waxaana marar badan lagu guul dareestay in lasoo xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar caawa lagu soo qaaday meel ku dhaw xarunta Degmada Howl Wadaag

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo kahor yimid Dalabka Musharaxiinta Amar cusubna bixiyay

Cabdi Cade

Musharaxiinta oo ka hor yimid muddo kororsiga, taageerana u muujiyey Saadaq Joon

Caydiid Ali
Taboola Ads ---