Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Maxamad Hery (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Indonesia ayaa intii uu kulanku socday isla soo qaaday xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa ay si gaar ah ugu dul istaageen muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.

Dowladda Indonesia ayaan Soomaaliya ku laheyn safaarad rasmi ah, waxaana magaalada Muqdisho kutaalla kana shaqeysa qunsuliyada Indonesia oo qunsul sharafeed ka yahay ganacsade Ismaaciil Gooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay wiil kasoo goostay Al Shabaab

Cabdi Cade

Rasaas xoogan oo caawa laga maqlay Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Wareerka haysta dalka kaliya ee Carbeed ee Israa’iil ka difaacay weerarii Iran ku qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---