Allbanaadir.com
NEWS

Barakac xooggan oo ka bilowday magaalada Baladweyn uu joogo Cali Guudlaawe (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka bilowday barakac xooggan oo ay sameenayaan qaar kamid ah dadka ku dhaqan xaafadaha magaaladaasi.

Barakaca ka bilowday magaalada Baladweyne ayaa yimid kaddib markii wabiga Shabelle ee magaaladaasi mara uu buux dhaafay, waxa uuna wabiga bilaabay in uu ku fataho qaar kamid ah xaafadaha Baladweyne.

Xaafadaha saakay barakaca ka socdo ayaa waxaa kamid ay : Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn, waxa ayna dadkii ku dhaqnaa xaafadahaasi bilaabeen in ay u qaxaan xaafado kale oo magaalada iyo bannaankeeda kuyaalla .

Wabiga Shabelle ee mara magaalada Baladweyne ayaa jabiyay karkaarada, waxaana biyaha wabiga bilaabeen in ay ku fatahaan xaafadaha ku dhaw dhaw iyo sidoo kale dhul beereed, iyadoona laga cabsi qabo in fatahaada kasii darto, haddii aan xal loo helin.

Barakacan ka bilowday magaalada Baladweyne ayaa imaaneysa xilli madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ku sugan yahay magaaladaasi uu shalay safar shaqo ku tagay.

Maamulka Hirshabelle ayaan xal muuqda u helin fatahaada uu sameeyo wabiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Baladweyne saameyn badan ku yeeshay fataahada wabiga sameeyo oo keentay in dad badan magaalada ka barakacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaaf oo shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Farmaajo

Caydiid Ali

Tartanka Kubadda Cagta ee Dawlad goboleedyada iyo G/Banaadir oo dib loo dhigay iyo sababta keentay (Akhriso)

Cabdi Cade

Ciidamada ATMIS oo ku biiraya howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobolada dalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---