Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iuo Masar oo kawada hadlay Isbadal Adduunka Qatar ku ah

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Makhsoumi ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Masar marwo Yasmine Fouad.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo adduunka qatar ba’an ku haya, saameyn na ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Intii kulanku socday waxay sidoo kale ka wada hadleen labada wasiir ee Soomaaliya iyo Masar sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wasaaradood, ayna isaga kaashan lahaayeen dhanka khibradaha.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa wada xiriiro ay la yeelaneyso qaar kamid ah dowladaha caalamka ,si ay uga helaan tababaro iyo sidoo kale khibrado la xariira isbadalka cimilada adduunka ku imaanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Dil ka dhacay xarun ay degan yihiin heyado caalami ah oo ku taalla Boosaaso

Caydiid Ali

Gudoomiye Sacdiyo oo culimada qaarkood u sharaxday hadalkedii muranka dhaliyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---