Allbanaadir.com
NEWS

Saddex kamid ah Hoggaamiyaasha Islamic Jihad oo saakay la dilay (Magacyada)

Ciidamada Israa’iil ayaa saakay weerar culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday goobo kuyaalla magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in duqeynta ku beegsadeen saddex sargaal oo katirsan kooxha Islamic Jihad kuwaa oo kala ah, Jihad Ghannam iyo Khalil Al-Bahtani oo lagu beegsaday Marinka Gaza iyo Tareq Ezzdine oo lagu weeraray Daanta Galbeed.

Kooxda Islamic Jihad ayaa dhankeeda xaqiijisay in weerarka Israa’iil saakay lagu dilay saddex ka mid ah saraakiisheeda sare oo kala ah Jihad Ghannam, oo ahaa xoghayaha golaha militariga ee guutada Al-Quds, iyo Khalil al-Bahtini oo taliye sare ka ahaa garabka militari iyo sargaal kale oo ka howlgalayay Gaza.

Weerarka Israa’iil ayaa sidoo kale lagu dilay dad kale oo shacab ah ay ku jiraan haween iyo carruur ,kuwaa oo waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha culus ee saakay Israa’iil ku garaacday goobo bartilmaameed u ahaa.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in weerarka Israa’iil in saakay ku dhinteen 12-qof ay ku jiraan dad badan oo shacab ah, mana shaacin wasaaradda aqoonsiga dadka la dilay iyo kuwa la dhaacaway.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Xijaar oo amar culus siiyey taliyeyaasha Saldhigyada ciidanka Booliska Muqdisho

Caydiid Ali

Madaale oo deg deg ku tagay Dhuusomareeb kaddib markii uu u yeeray Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Putin oo soo bandhigay shuruudo adag oo uu ku joojinayo dagaalka uu ka wado Ukraine

Caydiid Ali
Taboola Ads ---