Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in qaar kamid ah xubnaha jirkiisa lagala baxay askari ka tirsanaa ciidan tababar loogu qaaday dalka Uganda oo halkaas ku geeriyooday, meydkiisana lagu soo celiyey dalka.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in qalliin lagu sameeyay jirka askariga geeriyooday uu ahaa qalliin lagu baarayay sababa uu u geeriyooday, mkaasoo uu xusay iney dalbatay DF.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa intaas ku daray in askarigan uu xanuusansaday isagoo tababarka ku jira, kaddibna la dhigay isbitaal ku yaala Kampala, halkaas oo uu ku geeriyooday si lama filaan ah.
“Iyadoo laga tixraacayo nidaamka caalamiga ah, waxay Dowladdu dalbatay in baaritaan lagu sameeyo maydka askariga ka hor inta dalka lagu celin lana aasin, si loo ogaado waxa sababay geeridiisa” ayuu yiri Cabdiqaadir Maxamed Nuur
“Waxaan u malaynayaa in qalliinkii si qaldan loo fasiray oo koleyba qoyskiisa loo war xumo tashiiliyay,” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga.
Wasiirka wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka suurtoobin in qof ay masuul ka tahay lagula kaco waxyaabo qaldan. isagoo xusay in Soomaaliya ay horey ciidamo ugu dirtay Uganda iyo dalal kale islamarkaana aysan ka dhicin waxyaabahaas oo kale.
Askarigan oo ka soo jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa markii ay soo baxeen wararka sheegaya in caloosha la jeexay lagana saaray uurku jirta waxay dibad baxyo ka dhaceen degmadaas kaasoo ay sameeyeen dad arrintaas ka careysan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com