Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ilhaan Cumar: “Gudaha Mareykanka Islaam naceybka wuxuu gaaray heerkii ugu sareeyey”

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareska Mareykanka ayaa sheegtay in nacaybka Islaamka gudaha Mareykanka uusan hoos u dhicin, tan iyo markii uu talada Mareykanka qabtay, madaxweynihii hore Donald Trump, oo dhowr jeer xildhibaanadda ay hadallo kulul is weydaarsadeen.

Ilhaan Cumar ayaa haalkan jeedisay xili ay booqatay Masaajidka Al-Raxma ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo dhawaan dab la qabadsiiyey dabaqiisa ugu sareeya.

Waxaa la xiray ninkii falkaasi ka dambeyay kaasi oo sidoo kale horey isugu dayeyey masaajid kale in uu gubo.

Ilhaan Cumar ayaa xustay in markii masaajidkan la weeraray ay sheegtay in loo baahan yahay in la garab istaago masaajidka isla markaana shakhsigii dhibka gaystay ay tahay in maxakamad la soo taago.

Waxay intaa ku dartay in hadda laga shaqeynayo sharci lagu difaacayo goobaha cibaadada.

Ninka loo xiray gubidda dhismaha masjidka, ayay Ilhaan sheegtay in sidoo kale waraaqo hanjabaado ah uu soo gaarsiyay xafiiskeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamada dowladda oo la wareegay Deegaanka Dahar Faqay kuna dilay Horjooge (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Maxaa isku xiray qorshaha xirida Jidadka & goobaha uu booqanayo RW Rooble?

admin

Israa’iil oo xirtay xildhibaan katirsan Baarlamaanka Urdun iyo Dambiga loo heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---