Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa muwaadiniinta wali ku xayiran magaalada Khartuum ku war-galisay in ay lasoo xiriiraan xarunta safaaradda, haddii ay wali go’doon ku yihiin qeybo kamid ah magaalada.
Qoraal kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay in ay ku guuleesteen in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa magaalada Khartuum ay halkaasi kasoo saaraan una diraan qaarkood dalka gaar ahaan Muqdisho.
”Waxaan idinku wargelineeynaa Walaal yaal haduu jiro qof muwaadin Soomaaliyeed ah oo weli aan ka soo bixin Magaalada Khartoum ee degaalka ka socdo waxaan idinka codsaneeynaa in uu nagala soo xiriiro telkaan 090 009 7633 ama barteena facbook si aan uga soo saarno halkaasi, Fadlan idinkoo mahadsan is gaarsiiya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleestay in muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sudan gaar ahaan magaalada Muqdisho lagu celiyo dalka, waxaana wali jira Soomaaliya go’doon ku ah meelaha qaar ee dagaalladu ka socdaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com