Allbanaadir.com
NEWS

Xuseen Cabdullaahi Xasan oo la wareegay Xilkii dhawwaan loo magacaabay (Sawirro)

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure ayaa xilka u kala wareejiyay agaasimihii hore ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha gobolka Banaadir iyo agaasimaha cusub ee waaxdaasi.

Agaasimaha cusub ee waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Xuseen Cabdullaahi Xasan ayaa xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Waaxdaasi Mudane Muuse Sheekh Cali Eybakar.

Munaasabada xil-wareejinta oo ka dhacday aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimeyaal Guud, Agaasime Waaxeedyo iyo howlwadeeno kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Gaba-gabadii munaasabada ayaa waxaa hadal kooban oo isugu jirtay mahad-celin iyo dardaaran halkaasi ka jeediyay guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure, oo ugu mahadceliyay agaasimihii hore ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha howlihii adkeyd oo uu kasoo qabtay xafiiskaasi, Asigoona dhinaca kale kula dar-daarmay Agaasimaha cusub ee Waaxda in la dardar-geliyo howlaha xafiiska shaqada iyo shaqaalaha oo ka mid ah Xafiisyada ugu muhiimsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad amartay in Burcad-baddeed Soomaali ah lagu sii hayo Xabsiga kaddib markii…

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Balan qaad Muhiim ah u sameeyay Maamul goboleedyada(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Biden iyo Kamala Harris oo tagay deegaanno Dhibaatooyin ka dhaceen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---