Allbanaadir.com
NEWS

Weerar lagu qaadi lahaa Beerta Nabadda oo la fashiliyay iyo Jaakado qaraxyo ah oo la qabtay (Sawirro)

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in 6-dii bishan May ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay fashiliyeen shabakad ka tirsan Al Shabaab oo doonaysay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidammada NISA gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda lagu qaadi lahaa.

Warka dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan  lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

”NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen” ayaa lagu yiri warka dowladda kasoo baxay.

Weerarka la fashiliyay ayaa la sheegay in Al Shabaab doonayeen  inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed .

Warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay aad u yaraadeen weerarada ay Al Shabaab ka geestaan magaalada Muqdisho, waxaana magaalada laga howlgaliyay ciidamo cusub oo amniga xaqiijinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ku guuleestay in la daweeyo dhamaan dadkii uu ku dhacay Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Xog;-Heshiiskii dhax maray Xukuumada Rooble iyo Midowga Musharaxiinta Mucaaradka Xaguu ku Dambeeyay ?

Cabdi Cade

Dad hor leh oo loo xiray Dil arag lahaa oo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---