Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo Go’aan adag ka qaatay Ciidankiisa jooga magaalada Laascaanood

Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta la hadlay baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo badan ay kamid yihiin xaalada colaadeed ee ka taagan magaalada Laacaanood.

Muuse Biixi ayaa sheegay in magaalada Laascaanood kusoo duuleen ciidamada Puntland, kooxo argagaxiso ah iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya, waxa uuna sheegay in dhankooda wali difaac ku jiraan.

Waxa uu sheegay Muuse Biixi  in 15-kii sanno oo ay  mamulayeen magaalada Laascaanood aysan ka dhicin wax dilal ah iyo kufsi ay geesteen , waxa uuna falalkii ka dhacay Laascaanood ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxo argagaxiso ah.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aysan marnaba ka bixi doonin magaalada Laascaanood, waxa uuna dhanka kale cadeeyay in ay diyaar u yihiin wadahadalo nabadeed ay ka galaan arrinta Laascaanood.

“15 sanno ayaan Laascaanood joogney hal dil iyo hal kufsi ma gaysan, dadka reer Sool iyaga is maamulayey keliya Badhasaabka ayaa annaga na ahaa, wada-hadal iyo nabad diyaar baan u nahay balse xuduuddayada kama tanaasulayno qabiilna nagama qaadi karo.” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Magaalada Laascaanood ayaa muddo saddex bilood ah waxaa ku dagaalamaya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka SSC, waxaana dagaalkaasi magaalada looga saaray ciidamada Somaliland oo hadda ku sugan duleedka Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar ku dhax dhalatay Tareen oo abaal marin loo balan qaaday  !!

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Qorshaha dowladu waa in shan bilood lagu soo afjaro argagaxisada”

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade