Guddiyo ka kala socda milliteriga Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ayaa waxa uu weli Kulan uga socdaa magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, iyadoo labada dhinac weli isku mari la’ yihiin kulankaasi oo ay dhex-dhexaadiyaal ka yihiin Sacuudiga, Maraykanka iyo ururka IGAD.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Wafdiga ka socday Milliteriga haya talada dalka Sudan ay shalay soo bandhigeen 3 qoddob oo loo baahan yahay inay ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF hirgeliyaan.
Madaxa Ergada dowladda Sudan waxa uu si cad u sheegay in wareega koowaad ee shirka Nabadda ee ka socda Jeddah looga arrinsan doono oo keliya arrimaha samafalka aadminimo, oo aan marnaba laga xaajoon doonin qaddiyadaha ciiddanka ama amniga.
Saddexda Qoddob ee ay wafdiga milliteriga dowladda Sudan ay hor dhigeen kuwa Gurmadka Degdega ee RSF inay fuliyaan ayaa kala ah:-
1- inay ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF ay si toos ah oo aan shuruud lahayn looga daad-gureeyo caasimadda Khartoum iyo Guud ahaan deegaanada la degan yahay.
2- Kordhinta muddada xabbad-Joojinta dhanka aadminimada,
3- In lagu soo dhamaystiro nidaamka isku-dhafka ciiddamada dalka Sudan muddo 2 sano gudaheeda.
Dhinaca kale, Wafdiga Wada-xaajoodka ee ka socday ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF ilaa hadda kama aysan hadlin shuruudaha ay wafdiga socday milliteriga dowladda Sudan ay soo hor dhigeen.
Si kastaba, Isbuucii 4-aad ayuu galay dagaalka u dhexeeya ciiddamada kala taabacsan madaxa Guddiga Milliteriga ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF oo u daacad ah Jeneralka fallaagoobay, jeneral Maxamed Xamdaan Daglo “Hemetti”.
Shalay waxay dagaallada ugu culus ka dhaceen Nawaaxiga xarunta Madaxtooyada dalkaasi ee ku taalla Caasimadda Khartoum.Dadka Deegaanka waxay soo tebiyeen inay maqleen qaraxyo waa weyn iyo Uuro ka baxayso goobaha la duqeeyey.
Sidoo kale, diyaaradaha Helikobtarka ee ciiddanka cirka ee dalkaasi waxay duqeymaha la beegsanayaan fariisimada ciiddanka RSF ee gudaha Khartoum iyo Kolonyada Xoojinta ee ku soo wajahan goobaha ay ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF kaga sugan yihiin goobaha dagaalka ee magaalladda Khartoum.
W/T Ustaad Nuradin Abuukar
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com