Allbanaadir.com
NEWS

Banaan baxyo rabshado wata oo saakay ka socda magaalada Boorame (Sawirro)

Magaalada Boorame waxaa saakay ka socda banaan baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaana rasaas u adeegsanaya joojinta banaan baxa.

Dadka dhigaya banaan baxa ayaa ka careesan dil askari katirsanaa ciidanka Somaliland u geestay Arbacadii sargaal katirsanaa ciidanka maamulka Somaliland oo lagu magacaabayay Khadar Maxamed Caynaanshe.

Dibad baxayaasha ayaa sheegay in ay wadayaan isku soo baxooda ilaa laga toogto askariga dilka u geestay sargaalkan oo shalay maxkamadda ciidamada maamulka Somaliland xukun dil ah ku riday.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa rasaas nool nool u adeegsanaya dadka dhigaya banaan baxa ,kuwaa oo laamiyada qaar ku gubaya taayaro, waxaana rasaasta ay ridayeen ciidamada ka dhashay khasaaro soo gaaray dibad baxayaasha qaar.

Banaan baxan saakay ka socda magaalada Booraame ayaa u eg kii bilooyin kahor ka bilowday magaalada Laascaanood ee markii dambe isku bedelay dagaal lagu hoobtay oo dhiig badan ku daatay loogana saaray Somaliland magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay Khilaafka ka dhax taagan Baarlamaanka

Cabdi Cade

Warbixin ku Saabsan Buuga Soomaaliya Janno Aduun oo la Bur buriyay !!

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe Abaabul dagaal ka wada Guulane lana hadlay dadweeyne badan (Sawirro)

Cabdi Cade