Allbanaadir.com
NEWS

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Nnamdi Azikiwe iyo Duulimaadyo la baajiyay

Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Nnamdi Azikiwe oo kuyaala magaalada Abuuja ee caasimadda dalka Nageria, waxaa ka dhacay shil diyaaradeed oo sabab u noqday in uu istaago shaqadii garoonka ka socotay.

Diyaarada Max Air 737-400 oo kasoo duushay magaalada Yola ee dalka Nageria ayaa markii ay kasoo degtay garoonka caalamiga ee Nnamdi Azikiwe ayaa taayar ka qarxay xilli ay diyaarada ku ordeesay dhabaha diyaaradaha ku ordaan.

Rakaabkii saarnaa diyaarada oo gaarayay 143 qof ayaa dhammaan la bad baadiyay oo si nabad galyo ah looga saaray diyaarada, waxa uuna shilkan sababay in garoonka shaqadiisa hakkad galo muddo saacado badan ah.

Warbaahinta dalka Nageria ayaa baahiyay in shilka diyaaradeed ee dhacay uu  keenay duulimaadyo badan oo garoonka kasoo degi lagaa la baajiyo, kuwa kalana ay dib u dhac ku yimaan guud ahaan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha Jabhada OLNF oo si weyn loogu soo dhaweeyay Adis Ababa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qalab kala duwan oo maanta lagu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Masuul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade