Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daad gureynta Soomaalida Sudan oo weli socota & qeyb kale oo caawa Muqdisho laga soo dejiyey

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa soo dhoweeyay 93 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladdu ka soo celisay dalka Sudan.

Muwaadiniintan ayaa diyaarad gaar ah oo ka soo qaaday dalka Koonfurta Suudaan waxaa caawa laga soo dejiyay garoonka doyaaraha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Tirada guud ee galabta iyo caawa dalka dib loogu soo celiyay ayaa waaxa ay gaarayaan 230 qof oo isugu jira haween, carruur iyo dad dhalinyaro ah, kuwaasi oo ka soo barakacay dalka Suudaan.

Waa dayuuradii labaad ee maanta Muqdisho ka soo dejisa ad Soomaaliyeed oo ka soo qaxay dagaalada Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay 73-qof maanta, dayuurada ayaa sidoo kale 64-qof oo ka soo jeeda degaanada Puntland ka dejisay magaalada Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Booliska Muqdisho oo howlgal ku qabtay nin loo heysto fal dembiyeed culus

Caydiid Ali

Dhimasho badan iyo dhaawac ka dhashay ciyaartii xalay dhax martay Cameron iyo Comoros

Cabdi Cade

DF oo boqolaal askari & qalab milateri ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---