Allbanaadir.com
NEWS

DF oo dalka ku soo celisay Soomaali kale oo ka soo carartay Sudan (Sawirro)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay 73-qof.

Dayuurada ayaa sidoo kale 64-qof oo ka soo jeeda degaanada Puntland ka dejisay magaalada Garoowe.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadow oo ka warbixiyay soo dhaweynta muwaadiniinta ayaa sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Sudan iyo dalalka deriska la ah.

Dowlada Somalia ayaa boqolaal qof ka soo daad-gureysay dalalka Itoobiya, Koonfurta Sudan kuwaasoo ka soo cararay dagaalada ka qarxay dalka Suudaan 15-kii bishii hore, waxayna u badnaayeen arday wax ka baraneysay jaamacadaha dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw War Saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Sida quruxda badan ee loogu dabaaldegay Sanad guuradii 74aad ee Booliska

Caydiid Ali

Golaha ammaanka ee QM oo Eritreya ka qaaday cuno-qabateyn saarneyd 10 sano

Caydiid Ali
Taboola Ads ---