Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan dhexmaray Guuleed iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlada Finland (Sawirro)

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND, MR Jukka Pajrarinen iyo Safaaradda FINLAND ee Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Ergayga ayaa uga mahadceliyay  Agaasimaha iyo Safaaradda doorka dowladda FINLAND ay ka qaadatay Dowladd dhiska Soomaaliya, Waxaana uu warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wadahadallada Somaliland, iyo in Dowladda DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Somaliland.

Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa u muujiyay Ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dibad-baxyo looga horjeedo DF oo ka socda degaano ka tirsan Jubbooyinka

Caydiid Ali

Diyaarado wada ciidamo badan oo ka degay Dhuusomareeb iyo abaabul xoogan oo socda

Cabdi Cade

Puntland oo Magafe isbaaro dhigtay ku tilmaantay Madaxweyne Xasan !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---