Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay danta Siyaasadeed ee Deni ugu jirta wax ka bedelka dastuurka Puntland?

Dabayaaqadii Nofembar 2022 ayay ahayd markii 7 urur oo ka mid ahaa 9-ka urur siyaasadeed ee Puntland ay isku raaceen 13 qodob oo u baahan in la fuliyo ka hor diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Qodobadda 13 ah waxay isugu jireen kuwo u baahan in dastuurka Puntland wax laga beddelo sida in la furo tirada xisbiyada siyaasaeed, iyo kuwo u baahan in xeerarka wax laga beddelo, sida in doorashada laga dhigo mid furan oo qofka toos loo dooranaayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa diidey in qodobada xeerarka ama dastuurka taabanaya la furo, waxaana uu hoosta ka xariiqey haddii arrintaas la aado inaysan doorasho dhacayn, taas oo keentay in ururadii ku kala jabaan oo kala qaybsamaan.

Doorashada Puntland waxaa ku ku soo harey 6 urur oo shan ka mid ah ololaha ay wadaan uu yahay mid muuqda, ururada Horseed iyo Dhalinyarada ayaa gebi ahaanba isaga baxay, sidoo kale waxaa burbur iyo kala qaybsanaan ay ragaadisey ururkii shaqaalaha, halka ururka Runcad aanu wax dhaqdhaqaaq ah lahayn laakiin uu ku jiro doorashada.

Shaqada taala ka hor maalinta doorashada loo ballan-san yahay ee 25 May, iyo wakhtiga harsan ayaa muuqata in aysan is lahayn, waxaana hadda si taag daran ku socda qaadaashada kaararka codbixinta oo ka bilaamatey gobolada qaarkood, shaqada ayaa ah mid aad ugu badan guddiga TPEC, maadaama shaqaaluhu ku yar yahay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 26.04.2023 kulan la qaatey ururada siyaasadda ee Puntland, waxaana uu kala hadley arrin maalmihii u danbeysey soo baxaysey ee ahayd in dastuurka laga beddelo qodobka 46aad, ee ka hadlaya tirada xisbiyada lana gaarsiiyo ilaa shan xisbi, arrintan ayaa wararku sheegayaan in ururada siyaasadda ee kulankaas ka qayb-galay ay soo dhaweeyeen, marka laga reebo urur siyaasadeedka MIDEEYE, oo ku doodey in wakhtigu ciriiri yahay, hadda ka horna uu Madaxweynuhu diidey, loona baahan yahay in doorashada lagu galo wakhtigeedi iyo sidii lagu heshiiyey.

Doorashada la doonaayo in Xisbiyada lagu soo saaro ayaa ka horeysa kalfadhiga baarlamaanka ee bartamaha bisha Juun 2023, in wax laga beddelo dastuurka ayaa u baahan in ay tagto kalfadhiga baarlamaanka, doodu socoto muddo aan ka yarayn bil, kadibna lagu ansixiyo 2/3 ama saddex qaybood laba qaybood oo gaareysa 44 Xildhibaan.

Haddaba maxay tahay sababta Siciid Deni hadda ugu ololeynaayo wixii uu diidey 6 bilood ka hor oo aheyd wax ka bedelka qodob ka mid ah dastuurka, waxaa lagu soo koobi karaa aragtiyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:-

1-In uu meesha ka saaro dooda ah saddexda xisbi ee soo baxaya waxaa hor boodaya siyaasiyiin ay isku beel yihiin.

2-In uu uga hortago ururka Mideeye oo markii hore uu ku xisaabtamey inay doorashada isaga harayaan, kuwaasoo uu u arko in ay yihiin urur taageero leh oo mucaarad ah, si uu u helo xulafo iyo gaashaanbuur kale.

3-iyo In doonitaankiisa ugu weyn ee muddo kororsiga ah uu ka dhex raadiyo iyadoo muddo xileedkii Madaxweyne Siciid Deni gabaabsi yahay, xaalado colaadeedna ay dalka ka taagan yihiin, ayaa laga war sugayaa Golaha wakiilada ee Puntland sida ay arrimahan u maareeyaan.

Maxamed Saciid Cumar (Shooli)
Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Dadka Shiinaha oo la shaaciyay iyo Dowlada oo ka walaacsan kororka dadka oo yaraaday

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo saacado ka dib sheegatay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Nicholas Heysom oo ka hadlay Xiisada ka dhalatay doorashada hogaanka K/Galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---