Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof oo ka dukaameysanayey suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka
Sida ay sheegeen ciidamada gurmadka Boqolaal qof ayaa laga daad-gureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen.
Goob-joogayaal ayaa sheegey in ninka hubeysan uu sidoo kale si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay dad wadada marayey.
Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa, isla-markaasna ay rumeysan yihiin in uu kaligii falka geystay.
Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay caruur yihiin. Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka, kuwaasoo saddex ka mid ah dhaawacoodu halis yahay.
Madaxa dab damiska Allen Jonathan Boyd ayaa sheegay in toddobo qof – oo uu ku jiro ninkii hubaysnaa ay ku dhinteen isla goobta, halka labo qof oo kalena ay ku geeriyoodeen Isbitaalka.
Dhibanayaasha ayaa da’dooda lagu sheegay in ay u dhaxayso 5 ilaa 51 jir sida uu sheegay afhayeen u hadlay Isbitaalka dadkan la geeyey.
Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa toogashada ku tilmaamay musiibo aan la qiyaasi karin, waxaa uu sheegay in gobolku uu diyaar u yahay in uu wax kasta oo gargaar ah u fidiyo maamulka deegaanka.
Dalka Mareykanka sanadkan waxaa ka dhacay ugu yaraan 198 toogasho wadareed oo sababay dhimasho iyo dhaawacba, iyadoo Dowlada mareykanka ay awoodi weysay iney wax ka qabato dhibaatadan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com