Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin gaarigiisa ku soo qariyey Meydka wiil yar oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa degmada Hodan gaar ahaan agagaarka isbitaalka Digfeer ka soo qabtay nin gaari ku watay meydka ilmo yar

Eedeysane Cabdiraxmaan Muuse Cali ayaa gaarigiisa laga dhax helay wiil 6 sanno jir meyd ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Yuusuf Cabdullahi.

Booliiska ayaa lagu war-galiyay in gaarigan ku dhax jiro wiil yar, markii ay goobta tageena waxay ugu tageen wiilka yar oo dhintay kuna dhax jira gaariga.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in baaritaan ku hayaan kiiskan, waxa ayna sheegeen in eedeysanaha hadda gacanta booliiska uu ku jiro.

Dhinaca kale, Ciidanka saldhiga Boliiska Degaanka Gubadley ayaa 4tii May 2023 abaare 4:35 galabnimo, gacanta ku soo dhigay nin lagu soo eedeeyay inuu dil horay u gaystay  16/11/2022.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyed oo baadigoobayay eedaysanaha, ayaa hadda gacanta ku haya, waxaana la horgeyndoonaa maxkamada awoodda uleh si uu cadaalada u maro” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War wanaagsan oo laga soo saaray xaalada cudurka COVID-19 ee dalka Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Qoor-qoor oo deg deg ugu laabtay Dhuusamareeb iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Boqor Albert Félix Marie (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---