Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul wasaare Khayre oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia (Daawo Sawirro)

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku booqday Hoygiisa Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dalka dib ugu soo laabtay dalka.

Khayre ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay Xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha lagu talaabsaday.

Kulanka labada masuul ayaa la sheegay inuu ahaa mid salaam iyo isxog wareysi ku kooban, iyadoo wararilo ku dhow kulankaas ay sheegeen in lagu balamay kulamo kale.

Xasan Cali Khayre ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka sida aadka ugu dhow dhow Madaxweyne Xasan Shiikh xiligii uu talada dalka hayey, waana saaxiibo hore ee meelo badan ka soo wada shaqeeyey

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo dhoweyn heer sare ah u sameysay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulka K/Cagta Puntland oo u soo baxay Final ka dib markii ay dirqi kaga badiyeen Xulka Banaadir

Caydiid Ali

Madaxtooyada oo ka hadashay Wararka sheegaya in Xasan Sheekh safar ku tagay Israa’iil

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay dagaalka ka socda Sudan, kuna baaqay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---