Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay taariikhda aan horay u dhicin ee Somalia ka sameysay Kubbadda Cagta?

Ma og tahay in Soomaaliya ka hor martay 42 dal oo Afrikaan ah? [HOGGAANKA WANAGSAN IYO GUUSHU WAA ISLA SOCDAAN]

Soomaaliya waxay gaartay heer aysan kubbadda cagta ka gaarin waligeed, waxay ka cayaartay koobka qaramada Afrika oo dalkeena Soomaaliya waligiis uusan tagin. Soomaaliya hadda tartanka weyn isaga hartay, si la mid ah wadamo kale oo iyaguna isaga haray tartanka.

Sideedaba kubabdda cagtu waa cayaar isboorti oo leh sadex natiijo oo kala ah: Guul, Guul darro iyo bar bar dhac intaasna waa la fishaa mar hadii kubbad cag lagu tartamo, hase ahaatee Soomaaliya ka qeyb galkeeda cayaaraha qaramada Afrika oo ay tahay markii ugu horeysay taariikhda ayaa waxaa ay shacabka Soomaaliyeed uga dhigan tahay guul aad u ballaaran oo lagu faano.

Cayaarahan u soo bixitaankooda waxaa ku tartamay 54 dal oo Afrikaan ah, waxaana ugu dambeyn is reeb reeb kaddib u soo baxday 12 dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay in kastoo dalka Koofurta Sudan markii dambe tartanka laga saaray sababo la xiriira in aanay keenin da’da saxda ah ee loogu talagalay tartanka.

Haddaba sidaas ayay Soomaaliya ku matashay gobalka Bariga iyo bartamaha Afrika dalalka ku yaala, waana arrin kale oo bogaadin mudan. Waxaa amaan mudan hogaanka sare ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubabdda cagta gudoomiye Cali Cabdi maxamed [cali shiine] oo dalkiisa ku hogaamiyay in markii ugu horreysay taariikhda uu tago cayaaraha qaramada Afrika.

Waxaa kale oo amaan mudan cayaartoyda xulka qaranka iyo maamulkooda oo muujiyay karti iyo dhabar adeyg soona bandhigay cayaaro aad u qurux badan oo farsamadoodu sarreyso.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta sanadkan wuxuu ka qeyb galayaa cayaaro kala duwan oo away ka mid yihiin U-15. U-18. U-23 iyo cayaaraha Qaramada waaweyn waxaana sidoo kale sanadkan uu xulka qaranka Soomaaliya dheeli doonaa cayaaro saaxiibtinimo.

XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE KUBADA CAGTA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka labo Wiil oo Soomaali ah oo laga soo saaray Dhismo ku dumay Dhul-gariirkii Turkiga

Cabdi Cade

Al-shabaab oo soo bandhigtay hub iyo gaadiid ay ku qabsatay dagaalkii Qaayib (Sawirro)

Caydiid Ali

Kim John Un oo xukun daldalaad ah ku fuliyey 30 Sarkaal

Caydiid Ali