Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo kulan looga hadlay arrimo xasaasi ah la qaatay Wasiiradiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Amniga, Howlgalada Al-shabaab looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, Maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Cusbitaalka Jowhar.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgalada Al-shabaab iyo diyaar garowga loogu joro wajiga 2aad ee Howlagalada lagu ciribtirayo kooxda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan shaqaaleysiinta Macalimiin isagoo xusay inay gabo-gabo marayso Imtixaanaadka lagu qaadanayo 400 boqol oo macalimiin ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Golaha la wadaagay xaalada Cusbitaal Goboleedka Jowhar.

Madaxweynaha ayaa u Mahadceliyay Golaha isagoo faray inay dardargaliyaan shaqooyinka adag ee horyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Hannaanka Wada-tashiyada Xeer-nidaamiyeyaasha Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la furay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo Wasiirro cusub magacaabay (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Somalia oo isugu yimid kulan looga hadlay qodobo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali