Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhinacyada ku hardamaya Sudan oo caqabad ku noqday wadahadal uga furmaya Jeddah

Labada dhinac ee ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa caqabad ku noqday wadahadalo la qorsheynayo iney uga furmaan magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga kaasoo ay garwadeen ka yihiin Mareykanka iyo Sacuudiga

Ergooyin ka kala socda kooxaha millatariga ee Sudan isku haya ciidanka milateriga iyo gurmadka degdega ah – ayaa ku sugan Jeddah sida uu xaqiijiyey Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga, iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay ku cadaadis ku saarayaan labada dhinac soo afjaridda colaadda soo jirtay saddexda toddobaad.

Hindisaha Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa ah isku daygii ugu horeeyay ee oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka dhigay qeybo ka mid ah caasimadda Sudan ee Khartoum aagag dagaal, meeshana ka saaray qorshe caalami ah oo lagu doonayay in lagu keeno dowlad rayid ah ka dib sanado badan oo rabshado iyo kacdoono ah.

Riyadh iyo Washington ayaa mar sii horreysay soo dhoweeyay “wadahadallada u dhexeeya ciidammada iyo RSF, waxayna ku booriyeen inay si firfircoon uga qayb-galaan ka dib xabbad-joojin badan oo la jebiyey.

Laakiin labada dhinacba waxay caddeeyeen inay ka wadahadli doonaan oo keliya xabbad-joojin bini’aadannimo, oo aanay ka wadahadli doonin joojinta iyo xal u helida waxyaabaha la isku hayo dagaalka.

Isagoo xaqiijinaya ka soo qaybgalka kooxdiisa, hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemeti, ayaa sheegay inuu rajaynayo in wada-hadalladu ay ku gaadhaan ujeeddadii ay uga gol lahaayeen in lagu sugo marin ammaan ah oo rayidka ah.

Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa sheegay inay wafdi u direen magaalada Badda Cas ku taallal ee Jeddah fiidnimadii Jimcaha, laakiin ergeyga gaarka ah ee Dafallah Alhaj ayaa sheegay in ciidanku aysan si toos ah ula fariisan doonin wafdi kasta oo RSF soo dirto.

Hemedti ayaa dhanka kale wacad ku maray inuu soo qaban doono ama uu dili doono hogaamiyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, waxaana sidoo kale jirtay cadeymo muujinaya in labada dhinac aysan weli dooneyn inay tanaasul sameeyaan si loo soo afjaro dhiiga daadanaya.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Faysal bin Farxaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in uu rajaynayo in labada dhinacba ay horseed u noqdaan soo afjaridda colaadda”.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka xumaaday rabshadaha ka sii socda dalka Sudan, isaga oo soo rogay cunaqabatayno.

Waxaa ka mid ah cuno qabateynta in xannibaado lagu soo rogayo qof kasta oo u dhashay dalkaas oo caqabad ku ah, geeddi-socodka dimoqraadiyadda Sudan.

Tallaabooyinka cunaqabataynta ah ee la qaadayo waxaa ka mida, in ka xayiro hantida iyo xisaabaadka uu ku leeyahay Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo ka hadashay wadahadalka u socda Xukuumada Itoobiya & Jabhada ONLF

Caydiid Ali

Walaac Hor leh oo kasoo if baxay Doorashada Dalka iyo Go’aano cusub oo lasoo…

Cabdi Cade

Wararkii ugu Dambeeyay Isku Shaandheyn laga yaabo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada  

Cabdi Cade