Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boqorka Charles III ee UK oo la caleemo saaray iyo dad badan oo la xirxiray (Sawirro)

Dalka Ingiriiska waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu caleemo saarayo Boqorka Charles III  iyo xaaskiisa, Queen Consort Camilla. Waa caleema saarkii boqortooyo ee u horreeyey ee lagu qabto Britain muddo 70 sano ah.

Boqorad Elizabeth II, oo sanadkii hore geeriyootay ayaa ahayd boqoraddii u danbeysay ee taajka boqortooyo loo caleemo saaro. Charles oo 74 jir ah ayaa boqor noqday ka dib dhimashadii hooyadiis Queen Elizabeth II.

Boqor Charles III iyo xaaskiisa, Queen Camilla, ayaa ka baxay Buckingham Palace iyagoo aaday halka lagu qabanayo xafladda caleemo saarka oo ah dhaqan 1,000 (kun) sano soo jiray, iyadoo calmeesaarkan lagu kordhiyay qeybo cusub si uu ila jaanqaado Britain-ta qarnigan 21-aad.

Xafladda boqridda Charles ayaa ka dhacday Westminster Abbey, halkaasi oo ahayd goobtii lagu caleema saarayay dhammaan boqorradii Ingiriiska tan iyo 1066-kii.

Lamaanaha ayaa inta ay u sii socdeen waxay salaameen doonaan dad badan oo u taagnaa waddooyinka si ay boqorka cusub u salaamaan.

Dhinaca kale, Waxaa jira saluug sii kordhaya, gaar ahaan muwaadiniinta da’da yar ee Britain, oo qaba in laga gudbay xilligii boqortooyadu ay ahayd mid loo baahan yahay.

Intii aysanba Boqor Charles iyo Boqorad Camilla ka tagin Buckingham Palace ayay booliisku xireen toboneeyo bannaanbaxayaal ah.

Dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda Boqortooyada ee lagu magacaabo Republic oo u ololeeya in madaxa dalkaasi la doorto ayaa xaqiijiyay in lix ka mid ah qabanqaabiyaasheeda la xiray, halka kooxda cimilada u ololeysa, Just Stop Oil, ay sheegtay in 19 ka mid ah la qabtay.

Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa labaduba walaac muujiyay. “Waa mid laga filan karay in ay ka dhacdo Moscow, ma ahan London,” ayay tiri HRW.

Booliska Magaalada London ayaa waddooyinka dhigay ilaa 11,500 oo askari kaasi oo ah howlgalkii amni ee ugu weynaa abid ee ka dhaca London.

Munaasabadda caleemsaarka ayaa ah tii u horreysay ee ilaa 1953-kii, iyo boqorkii u horreeyey ee dalkaasi tan iyo 1937-kii. Waa munaasabaddii u horreysay ee TV-yada laga baahiyo, waana tii u horreysay ee si toos ah looga daawanayo caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa dhici doono ka dib ku dhawaaqista xukunka badda ee Maxkamada ICJ?

Caydiid Ali

Diyaarad goordhaw ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar (Sawirro)

Cabdi Cade

Max’ed Mursal Shiikh C/raxmaan oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

Cabdi Cade