Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaano hoos taga Degmada Garoowe oo saaka uu kormeeray.
Deni oo fagaare Kula hadlay Bulshadii soo dhoweysay degaanka Awr culus, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku isu diyaariyaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25-May 2023.
Sidoo kale wuxuu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee Dowladda laga sugayey, Sidaasi darteed loo baahanyahay in Bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay sheegay in ay Puntland 24 maalmood gudahood burbur qarka u saaran tahay, sabab la xariirta doorashooyinkan dadweynuhu codkooda dhiibanayaan, oo uu sheegay in aysan Saamileyda siyaasaddu door ku laheyn.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale gaaray deegaanka Garyaqaan oo ka tirsan Degmada Garoowe, halkaas oo siweyn loogu soo dhoweeyay.
Deni ayaa cadaadis adag kala kulmaya siyaasiyiinta ka soo horjeeda ee Puntland oo diidan in wax laga bedelo qodob dastuuri ah oo lagu kordhinayo asxaabta siyaasada, waxaana laga shakisan yahay inuu damacsan yahay muddo kororsi ugub ah oo aan horey uga dhicin Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com