Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay wadahadalada la filayo in mar kale u furmaan dowladda federaalkka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland .
Feysal Waraabe ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi aysan wadahadal la geli karin dowladda Soomaaliya iyada oon lagala tashan go’aan mid ahna aysan ka gaarin saddexda xisbi ee ka jira Somaliland.
Waxa uu sheegay Feysal Waraabe in wahadalkii horey labada dhinac u dhax maray ka heshiiyeen xisbiyadda ka jira Somaliland ,kaddibna loo gudbiyay baarlamaanka sidaasna ku bilowday wadahadalkii hore u dhax maray Somaliland iyo Soomaaliya.
“Markii aan 2012 kii wada hadallada bilaabeynay waxay martay habraac, saddex xisbibaa ku heshiiyey in arrintaa la galo, kadib baarlamaankaa la geeyay baarlamaankuna wuxuu ka saaray qodobkii ahaa ‘in aan Soomaaliya lala hadal’ intaas kadibna waxaan la tagnay maqam qaran oo la isku wada faaqsan yahay” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
Feysal Waraabe ayaa ku hanjabay in uu ka degi doono magaalada Muqdisho, haddii madaxweyne Muuse Biixi isku dayo in Soomaaliya la furo wadahadal aysan la ogeyn laguna tala galin xisbiyadda Somaliland.
“Maantana waxaa weeye, ma dhaceyso wada hadal Soomaaliya iyo Somaliland dhex mari kara annaga oon wax ka ogeyn, haddii taasi dhacdo Muqdisho ayaan ka degayaa, madaxweynaha waqtigiisii wuu dhammaaday, wax aan isla ogayna ma jirto,” ayuu yiri Mr Waraabe.
Wadahadaladii muddada hakadka ku jiray ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad galay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana mar kale lagu wadaa in dib u furmaan wadahadalada labada dhinac u dhaxeeya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com