Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ibrahim Mete iyo masuuliyiin kale oo la socotay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan Masuuliyiinta Shirkadda Turkiga (TTN) ee dhistay Dekadda Garacad.

Safiirka Turkiga iyo Wafdiga la socda ayaa maanta booqday Dekadda Garacad, si ay usoo arkaan shaqada halkaasi ka socota iyo meesha uu maraya Dhismaha Dekadda oo ah mashruucii ugu weynaa ee isku tashi ee Dalka ka hirgala.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Lataliyeyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Related posts

Sargaalkii dilay George Floyd oo lagu dhaawacay Toorey xilli uu xabsi ku jiray

Cabdi Cade

Dowladda oo ammar kasoo saartay Doorashooyin iska soo horjeeda oo Muqdisho ka dhacaya

Cabdi Cade

DFS oo shaacisay in Puntland ka diiday qorshe ay ciidamo uga qoran layaaheen ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---